Cudurka Duumada (Malaria)

  Waa maxay Cudurka Duumada (Malaria)?
Duumada waa cudur keena qaniinyada kaneecada ama parasiteka loo yaqaan afka qalaad Plasmodium, kaa soo ku gudba qaniinyada kaneecada sumeysan, intaa ka dib ayaa parasiteka uu raacaa dhiiga isaga oo gaadha Beerka dadka halkaas oo uu ku tarmo, ka dibna dib ayuu ugu soo laabtaa dhiiga isaga oo raaca unugyada dhiiga cas, Noocyo kaneecada ka mid aha ayaa ku sii jira kara Beerka mudo aad u dheer.


Cudurka duumada waxa uu dadka soo tuuraa 10 -15 malmood kadib markii ay ku qaniintay kaneecada.

Noocyada keena cudurka Duumada

• Plasmodium Falciparum
• Plasmodium Vivax
• Plasmodium Ovali and
• Plasmodium Malariae

Calaamadaha lagu garto in uu kuhayo cudurka Duumada waxaa ka mid ah

1- Qandho
2- Matag
3- Dhidid
4- Daal badan
5- Madax xanuun
6- Lalabo ama yaqyaqsi
7- calool xanuun
8- cunto ka go’id
9- shuban
10- Murqo xanuun siiba adimaha iyo dhabarka

Cudurka Duumada haddii aan la daaweynin waxuu si dhaqso leh khatar u galin karaa nolasha qofka, iyada oo dhiiga raacda gaartana unugyada jirka ugu muhiimsan.
Meelo badan oo dunidan ka mid ah kaneecada waxay sameysataa difaac ay kaga gaashamato daawooyin badan oo iyada lagu dili lahaa.

Sidee baa loogu hortagi karaa amaba lagu xakameen karaa cudurka Duumada?

Ka hortagga Duumada ama kaneecada qaniinkeedu wuxu kaa badbaadiyaa Duumada iyo cudurada kalee ay keento kaneeco sida- yellow fever, cudurka maskaxda loo yaqaan “Japanese encephalitis” iyo xumadda dengue.  Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan.

1- Qaado si dhaqso leh daawada lagu daawooyo kaneecada.
2- Xiro dhar qaraiya adimahaaga sida Gacmaha iyo Lugaha.
3- Daaqadaha gurigaga u yeel shabaq .
4- Sariirtaada ku xir shandarawo ama maro kaneeco.
5- Isticmaal shandarawo leh sunta disha kaneecada.
6- Isticmaal daawada la buufiyo ee disha kaneecada.

Daawooyinka lagu daaweeyo cudurka Duumada?

Cudurka Duumada waxaa lagu daaweeyaa daawooyinka faro badan oo kala nooc ah, balse intaa aadan qaadan fadlan weydii dhakhtarkaaga nooca iyo sida aad u liqeysid.
Waxaa loo bahan yahay in adiga iyo caruurtaadaba aad qadataan dawaada ka hortaga kaneecada.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday501
mod_vvisit_counterYesterday813
mod_vvisit_counterThis week1314
mod_vvisit_counterLast week4413
mod_vvisit_counterThis month9294
mod_vvisit_counterLast month11060
mod_vvisit_counterAll days317518